Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciimi ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dargalinta heshiisyadii horey u dhacay oo ay ugu horeyso mataaneenta Muqdisho iyo Doxa.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale Danjiraha Dowladda Qatar kala hadlay dib u cusbooneysiinta mashaariicda lagu hor-marinaayo dib-u-dhiska Caasimadda, Asigoona kaga mahadceliyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Qatar kamid ah dowladdaha xiriirka wanaagsan la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Qatar ay siweyn uga qeyb qaatay oo maalgelisay dhismaha wadada isku xirta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Muqdisho.