Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa Guddoomiye Waaxeedyo cusub u magacaabay deegaanka Garasbaaley, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa
Guddoomiye Waaxeedyada cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin Maxamuud Sahal Faarax Guddoomiyaha Waaxda Shumac, C/laahi Maxamuud Hilowle Guddoomiyaha Waaxda Tabeellaha Sh. Ibraahim, Maxamed Axmed Weydow Guddoomiyaha Waaxda Weydow, Salaad Abuukar Cumar Guddoomiyaha Waaxda Geeddi Firdhiye, Cabdi Xayle Foodey Guddoomiyaha Waaxda Baariyow iyo Shukri Ibraahim Ismaaciil Guddoomiyaha Waaxda Foorilow.