Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray wado laami ah oo isku xirta Degmooyinka Xamar Jajab Xamarweyne iyo Shingaani.
Munaasabadda xarig jarka wadada Cusub oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaal, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labadaas degmo.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamarweyne iyo Shingaani ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Cumar Maxamuud Maxamed Finish, iyagoona sheegay in wadadaas ay muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo daweynaha.
Ugu dambeyn Duqa Muqdisho ayaa shacabka kula dardaarmay bulshada Caasimadda kunool gaar ahaan Xamarweyne iyo Shingaani inay xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda waddooyinka.
Waddooyin ku yaalla Caasimadda ayaa xiligaan waxaa ku socda dib u dhis ballaaran oo lagu sameeynayo, waxaana la xusi karaa wadada ka timaada Isgoyska Towfiiq ee tegta Isgoyska Maana-booliyo oo uu ku socdo dib u dhis, maadaama ay burbursan yihiin.