Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir la yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u jooga  Dalka Soomaaliya Mss Tiina Intelmann.
Kulanka Guddoomiye Cumar Filish iyo Mss Tiina Intelmann ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen doorashooyinka soo socda ee la filaayo inay ka dhacaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday Arrimaha Amniga Gobolka, shaqa abuurka, xal u helida maareenta Barakacyaasha, iyo dib-udhiska magaalada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa safiirka cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya Mss Tiina Intelmann ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo soo Magacaabay.
Dhinaca kale safiirka cusub ee Midowga Yurub u jooga  Dalka Soomaaliya Mss Tiina Intelmann ayaa Guddoomiye Cumar Filish uga mahadcelisay soo dhaweynta uu u sameeyay, iyadoo sheegtay inay la shaqeyneyso Maamulka Gobolka Banaadir.