Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Shangaani loogu magacaabay inuu noqdo Aweys Camuudi.
Gudoomiye Aweys Camuudi ayaa bedelaya Guddoomiyihii hore ee Shangaani Sahra Markeezi oo ku geeriyootay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Wareegtada magacaaabista ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub lagu faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee oo Idmaday.