Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay Shir gudoomiyay Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Maamulka sare iyo Degmooyinka Gobolka banaadir kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan o ay ka midyihiin amniga caasimadda arrimaha bulshada dhaqaalaha iyo nadaafadda gobolka.
Bilowga Shirka waxaa aad looga hadlay Xoojinta amniga Caasimadda,bilic soo celinta nadaafadda,tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar iyo qodobo kale.
Dhinaca kalana Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa shirka ku soo bandhigay  Warbixinada  todobaadlaha ah oo ay ugu uu weyntahay arrinta amniga iyo wixii iska bedelay maalmihii la soo dhafaay.
Duqa Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir kula dardaarmay inay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda,isla markaana ka Shaqeeyaan sugida Amniga.