Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa shir-gudoomiyay kulan degmooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo todobadkii mar la qabto waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Saadaq Cumar Xasan, guddoomiyaasha degmooyinka Taliyaasha saldhigyada iyo taliya qeybeed yada gobolka Banaadir oo uu Shirka Waxaa qeyb ka ahaa gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka banaadir iyo taliyaha Boliska ee Gobolka Banaadir.
Shirkan oo dhowr qodob looga hadlay ayaa looga mahadceliyay ciidanka amniga ee qaabilsan gobolka Banaadir sida ay ugu guuleesteen sugida amniga Caasimadda bishii barakeysneed ee Ramadaan iyo sida ay ula shaqeeyeen maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka, waxaa sidoo kale looga hadlay qodoba ay kamid yihiin arimaha wacyigalinta Covid-19, Canshuuraha,iyo Nadaafada.
Duqa Muqdisho ayaa ku bogaadiyay hay’adaha amniga in ay sii laba jibaaraan howlgalada lagu xaqiijinayo Amniga caasimadda.