Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Moqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daah-furay ololaha la-dagaalanka Caabuqa halista ah COVID-19e e Gobolka Banaadir.
Xafladaan lagu daah-furayay ololaha la dagaalanka Caabuqa COVID-19 ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka IGAD ee u fadhiya Somaaaliya Ambassador Jamaal Axmed Ibraahim, Guddoomiyaha Degmada C/Casiis, Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Makaraan, Guddoomiyaha dhalinyada Maamulka Jubbaland, Culimo, Dhaqaatiir, Haweenka Gobolka iyo xubno kale.
Ololahaan oo ah la dagaalanka iyo Ciribtirka Caabuqa COVID-19 ee sida weyn u saameeyay dalalka aduunka oo ku jirto Soomaaliya ayaa daah-furay ololahaan, waxaana si weyn ufulin doonna dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka.