Dhaqan ahaan bulshada Soomaalidda wax jira shaqooyinka qaar aysan dumarka qaban karin, balse waxaa jira dumar badan oo ka ka gudbaya caqabadaas. Kuwaas oo ay ugu horeeyaan dumarka ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan kuwa taraafikada, oo waayadii dambe si xoogan ugu soo biirayay.
Samiira Cabdullahi Xuseen oo ah labaatan iyo shan jir ka tirsan ciidanka Taraafikada ayaa tiri; “waxaa igu dhiiragaliyey shaqadan xaaladaha ay ku sugan yihiin waddooyinka magaaladda Muqdisho, dadweynahu waxa ay u baahan yihiin in wadooyinka la dhaafiyo, gaar ahaan dumarka.”
Waxaa muuqata in haweenku si firfircoon uga qayb qaadanayaan illaalinta iyo nidaaminta waddooyinka, iyga oo ka shaqeynaya jidadka magaaladda si ay u xakameeyan gaadiidka una hubiyaan ammaanka bulshada. Gabdha taraafikada ah ayaa muujinaya xirfad iyo karti iyga oo ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa magaalo nidaamsan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Taraafikada Saciid Baryare ayaa yiri; “dowladu waxa ay ku dedaalaysa in gabdhaha la siiyo 30%, laakiin gabdhaha booliska tarafaakida ku jiraa way ka badan yihiin 30% tiro ahaan.”
Saciid Baryare oo hadalka sii wadday ayaa dhanka kale sheegay; “ gabdudhu dhanka wax qabadka waa ay ka fiican yihiin ragga ay shaqo wadaagta yihiin ,shaqooyinka loo diro ma dayacaan, saacadaha shaqada oo dhan waxa aad arakaysa iyaga oo shaqo ku mashquulsan oo jidadka kala haggaya.”
Shaqooyinka xakameynta waddooyinka iyo illaalinta amniga ay taraafikada qabtaan ayaa muhiim u ah koritaanka magaalooyinka. Haweenka ciidanka ayaa si dhab ah u xaqiijiyay in ay qayb ka noqdaan hormarka dalka ka socda.
Hibaaq Maxamed Faarax oo ka mid shacabka magaaladda Muqdisho ku nool ayaa ayaa tiri; “dumarka Booliska Taraafikada waxa ay dhiirigelin u yihiin guud ahaan haweenka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan illaalinta nidaamka iyo bulshada.”
In kasta oo dhaqanka iyo bulshada qaarkeed ay diido kala kulmaan dumarka ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan qeybta taraafikada haddana waxa jira bulshada qaybo ka mid ah oo soo dhaweeyay shaqada haweenkan.
Mukhtaar Macallin oo ah soddon iyo seddex sanno jir ah, ka na mid ah bajaajlayda magaaladda ayaa yiri; “gabdhaha taraafikada aad bay u wanaagsan yihiin shaqo ahaan, waxa ay illaaliyaan nidaamka waddooyinka, waxa ay xakameeyan jaamka gaadiidka.’
Dhaka kale Taliya Ciidanka Taraafikada Saciid Baryre, ayaa ka hadlay caqabadaha heysta gabdhahan wuxuuna yiri; “caqabadahu waa ay badan yihiin, oo waxa laga yaaba in ay joojiso wadayaasha gaadiidka, waxaa laga yaabaa in uu san u istaaginba, ama uu gaariga ku dhufto. Qaarkood ayaaba ku dhaha gabar ayaad ba tahaye maxaa ku keenay waddada, ama uu af lagaadeeyaba. Si aan wax uga beddelno arrimahan isgoys walba waxaan geynay gabdho si ay dadku ula qabsadaan”.
Sahra Ahmed, Bilan Media