Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in u isku soo dhiibay wakiilkii Alshabaab u qaabilsanaa gobalka Shabeellaha hoose.
Dowladda Somalia ayaa sheegtay in Amiirkii Alshabaab ee gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Maxamed Bitow iyo mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ahaa oo lagu magacaabo Aadan Geedow oo loo yaqaannay Aadan Dheere in ay  isku dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 14-ka October ee ka howlgasha deegaano ka tirsan Sh/hoose.
Saraakiil ka tirsanaa Alshabaab ayaa sidaan oo kale horay iskugu soo dhiibay Ciidanka dowladda fedraalka ee Somalia eek u kala sugan qaar ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya.