Madaxweyne Albashiir waa Madaxweynihii 7-aad ee dalka Suudaan, waana Guddoomiyaha Xisbiga haya talada dalkaasi ee The National Congress Party “NCPâ€.
Al-Bashir waxa uu bishii Janaayo 1-dii ee sannadkii 1944-kii ku dhashay Degaanka Hosh Bannaga oo dhanak Waqooyi kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Khartuum.
Waxa  uu ka soo jeedaa Qabiilka Al-bedayrya Al-Dahmashya ooah Qabiil Reer Badaiyow ama Badawiyiin Craab oo degta Waqooyiga Dhexe ee dalkaasi.
Cumar Xasan waxa uu sannadkii 1960-kii ku biiray Ciiddanka dalka Suudaan, wuxuuna wax ku soo bartay Kulliyadda Milliteriga Masar oo ku taalla magaalladda Qaahira.
Waxa kale oo uu ka qalin jebiyey Kulliyadda Milliteriga Kharyumm sannadkii 1966-kii.
Waxa uu si dhaqso leh darajo uga helay ciiddanka u uka tirsanaa oo ahaa kuwa Dallaayadaha ama BBaarshuudka ku booda.
Albashiir waxa uu Milliteriga Msaar kala qeyb galay DagaalkiiIsrael lala galay sannadkii 1973-kii.
Sannadkii 1975-kii waxa Albashiir uu noqday U-qeybsanaha Milliteriga ee Safaaradda Suudaan ku lahayd dalka Imaaraadka Carabta.
Waxa kale oo loo magacaabay Taliyaha Guuto, iyado osannadkii 1981-kii waxa uu Taliye ka noqday Guutadda Ciiddanka Baarshuutka.
Albashiir markii uu darajada Gaashaanle Sare ama Kolonel qaatay waxa uu caan noqday, kadib, markii  ay Koox Saraakiil oo  uu hoggaaminayey ay talada dalkaasi Afgembi ku qabsadeen bishii June 30-dii ee sannadkii 1989-kii.
Waxay xilligaas talada kala wareegeen Xukuumaddii Ra’isul-wasaare Saadiq Almahdi, kadib, markii ay wada-xaajood la galeen Jabhadihii ku sugnaa Koonfurta dalkaasi.
Jeneral Albashiir oo 3 jeer loo doortay xilka Madaxweynaha Suudaan, waxaa soo wajahday caqabado siyaasadeed iyo Dibadbaxyo ka dhashay go’aankii ay Dowladdu ku kordhisay sicirka cuntada iyo shidaalka bartamihii bishi iDecember ee sannadkii hore.
Dibadbaxyadda waxay bishii December 19-dii ka bilowdeen Degmadda Atbara ee Waqooyiga dalkaasi, waxayna ku faafeen guud ahaan magaallooyinka dalkaasi o oay ku jirto caasimadda Khartuum.
Madaxweyne Albashiir waxa uu soo rogay Xukun Degdeg ah, waxa uu magacaabay Wasiiro iyo Guddoomiyayaal Gobal oo wada Ciiddan ah, si loo xakameeyo Dibadbaxyadda oo ay gadaal ka hagayeen Xisbiyadda Mucaaradka iyo Koox Xirfadlayaal Isbedel-doon ahaa.
Madaxweyne Albashiir ayaa waxa uu u muuqda inuu xilka ka degi doono, iyadoo ay Hoggaamiyayaal Carbeed iyo kuwa kale ay kula taliyeen inuu Xilka Madaxweynaha iska casilo iyo inuu Hawlgab ka noqdo Siyaasadda iyo Milliteriga.
Albashiir weli kuma uusan dhawaaqin Go’aan Kama Dambays ah, wuxuuna ku khasban yahay inuu aad u dhiiraan-dhiriyo culaysyadda haysta iyo khataraha ku soo faruurmi kara mustaqbalka oo ay ka mid tahay Dacwadaha ka yaallaan Maxkmadda Dembiyadda Calaamiga ee ICC, inkastoo u uhorey u beeniyey Eedeymahaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlado ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Masar waxay Madaxweyne Albashiir ugu yabooheen Magangelyo, xilli ay soo wajaheen dibadbaxyadii ugu ballarnaa ee loogu baaqayo inuu is-casilo.