Ra’iisul-wasaaraha dalka Sudan, Cabdalla Xamduuk waxaa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo.
Labada Mas’uul waxay Kulankooda kaga wada hadleen Xiriirka dalalkooda iyo qabanqaabada Shirka Guddiga WadaJirka ee dowladaha Sudan iyo Kenya ee dhici doona bisha soo socota ee July.
Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA waxay sheegtay in RW Cabdalla Xamduuk iyo Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo ka wada sheekeysteen sidii ay Sudan uga faa’ideysan lahaa Khibradaha Kenya ee Dib-u-habaynta Dastuurka iyo Qabsoomida Doorashooyinka.
Kulankaasi waxaa gooboog ka ahaa Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Sudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sudan, Ambassador Xasan C/salaam iyo DanJiraha Kenya u Jooga Khartoum.
Wafdiga ay hoggaminaysay Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo oo shalay booqasho ku tegay Sudan waxaa la sheegay inay galabta dib ugu laabteen Nairobi.