Jeneral Samiir Al-xaaj oo ka mid ahaa Taliyayaasha sare ee  Ciiddanka Dowladda Yemen ee dagaalka kula jirta Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Asharqal-awsad ee ka soo baxa Sacuudiga, wuxuuna tilmaamay inay tiro Muwaadiniin Soomaali ah oo la safnaa Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku qabteen dagaalo ka dhaca Degmooyinka Mukha iyo Tacis, waa sida uu hadalka u yiri.
Jeneral Samiir Al-xaaj waxa kale oo uu  xusay  in Soomaalida ay u qabteen maxaabiis ahaanta u gudbiyeen magaalladda Cadan oo ah Caasimadda KMG ee Dowladda Yemen, lana filayo in loo sii masaafurin doono dalkooda hooyo.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee Yemen dhawaan sheegeen inay 130 qof oo Somali ka soo daad-gureeyeen Yemen, kuwaasi oo lagu soo celiyey
Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiiradda Yemen ayaa lagu sheegay inay Kooxda Xuutiyiinta bilaabeen inay dadka Barakacayaasha dejiyeen goobaha dagaalka, si ay gabaad uga dhigtaan Duqeymaha iyo weeraradda lagu hayo Deegaanadda ay ku sugan yihiin.
Ilo ku dhow Golaha Wasiiradda Yemen ayaa u shegay Wargeyska Asharqal-awsad in ay hayaan Caddaymo muujinaya inay Kooxda Xuutiyiinta dhaqaale ku soo jiitaan Soomaalidda iyo Ethiopianka ku sugan Yemen, kuwaasi oo ay Saraakiil Iiraniyiin ah tababaran, si ay uga qeyb galaan dagaalka ay Kooxdaasi kula jirto Dowladda Sharciga Yemen iyo Isbahaysiga Sacuudiga.
Xigasho: AWSAT
©Radio Dalsan