Ciidamadda dowlada Yaman ayaa waxaa ay shegeen in ay gacanta ku dhigeen qiyaastii 53 ruux oo muhaajireen ah una ubadnaa Ehopia, iyo soomaali, kuwaasoo doonayay in ay sharci daro ku galaan dalka Yaman.
Muhaajiriinta ayaa waxaa lagu soo qabtay labo howgallo oo ay ciidamada Yaman ka sameyeen Magalada Degadda leh ee port city of Mocha.
Saraakiisha ciidanka ayaa waxaa ay carabka ku dhufteen in 30 ruux laga qabtay Magalada Mocha, kuwasoo kasoo galay dhanka degmadda Dhoba, halka 23 ruux oo Etopian ahna ay kasoo gudbeen koonfurta Bab Al-Mandab. Wargeyska Times Yemen, ayaa waxaa uu ku waramayaa in 53 ruux ay ku jireen carruur , iyo dumar.
Maamulka xafiiska ammaanka degaanka Mocha, Anees Al-Shameri, ayaa sheegay in boqolaal ruux ay dhawaan soo galeen dalka Yaman kuwaasoo aan laga warqabin.
Sida laga soo xigtay Mogib Hassan Abdullah, oo ah khabiir dhanka Isgaarsiinta iyo Warfaafinta Kaaliyaha Guud ugu ah Qaxootiga Qaramada Midoobay dhanka Qaxootiga (UNHCR) ee Magalada Sanca, ayaa sheegay in qiyaastii 8,755 soo galaati cusub ah in ay kasoo gudbeen Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas laga soo biulaabo bishii January ee sanadkan,iyadoona ay geeryoodeen 50 ruux.
91,592 ruux ayaa la ogyahay in sanadkii 2014 oo kaliya in ay galeen dalka Yaman, halka 246 muhaajiriin ahna ay ku geeryoodeen intii ay kusoo jireen safarka, sida laga soo xigtay hey’adda Qaxootiga QM uqaabilsan ee UNHCR.