Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Urdun, Sufyaan Qudah ayaa sheegay inay Dowladiisa si kulul u cambaareynayaan weerarkii ay Alshabaab ka geysteen magaalladda Kismaayo,oo ay 26 qof ku geeriyootay, 56 kalena ku dhaawacmeen.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Urdun ka go’an tahay inay DFS iyo Dadka Soomaaliyeed ka taageeraan sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo celin lahaa Somalia.
Waxa kale oo uu Tacsi u diray dhamaan qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi, isagoo u rajeeyey caafimaad dadkii kale ee ku dhaawacmay dagaalkaasi.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Urdun waxa uu mar kale ku celiyey inay Dowladiisa cambaaraynayso fal kasta oo colaad hubeysan oo wax loogu dhimayo dadka Soomaalida.
Dhinaca kale, Dowladda Kanada waxay cambaaraysay weerarkii Alshabaab ka geysteen Hotelka Madiina (Ex-Cascasey) ee magaalladda Kismaayo, oo dadkii lagu dilay ay ku jireen 3 qof oo haystay dhalashadda dalkaasi.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Arrimaha Caalamka ee dalka Kanada ayuu ku sheegay inay cambaareynayaan weerarkaasi, isla markaana ay Maamulayaasha Jubbaland kala xiriirayaan xogta ku adaan dadka haysta dhalashadda Kanada ee lagu dilay weerarkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiisha Qunsuliyadda Kanada ee magaalladda Nairobi, xiriir la sameeyeen Maamulka Jubbaland oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dadka haystay dhalashadda Kanada ee wax ku noqday weerarkaasi.
Wasiirka Arrimaha Socdaalka, Qaxootiga iyo muwaadinimadda ee dalka Kanada, Axmed Xuseen waxa uu isagana ka tacsideeyey dadklii ku geeriyooday weerarkii Kismaayo