Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Faaruuq Kaymakji ayaa hadalkaasi ka sheegay Furitaanka Shirweynaha Qurbo-joogta Soomaalida ku nool Caalamka oo ka furmay magaalladda Istanbul ee dalkaasi.
Â
Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Turkiga mudnaan khaas ah siinayao xiriirka ay la leeyihiin Somalia iyo inay magaalladda Muqdisho tahay mid ka mid ah Caasimadaha Afrika ee ay Turkiga muhiimadda siiyaan.
Â
“Waxaan garab taaganahay Ummadda Soomaaliyeed, waxaana sii wadi doonaa Taageeradda aynu siino Walaalaha Soomaaliyeed†ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Faaruuq Kaymakji.
Â
Wuxuuna intaasi ku daray inay Turkiga sii wadayaan Taageeradda kasta ee ay u baahan yihiin dadka Soomalaida iyo kobaca Dhaqaalaha iyo Barwaaqadda Muwaadiniinta Soomaalida.
Â
Wasiir-ku-xigeenka, Faaruuq Kaymakji waxa uu Ka-qeybgalayaasha Shirka Qurbo-joogta Soomaalida u gudbiyey Farriinta uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ku xaqiijiyey inay Turkiga garab taagan yihiin dadka Soomaalida, lana si iwadi doono Taageeradaasi.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Somalia, Mahad Maxamed Guuleed oo ka hadlay furitaanka Shirkaasi waxa uu  sheegay inay Dowladda Turkiga tahay saaxiibka runta ee Somalia, wuxuuna uga mahad celiyey sida ay Somalia u garab istaageen xilliyadii ugu dhibka badnaa.
Â
Shirweynaha Qurbo-joogta Soomaalida ku nool Caalamka oo ka furmay magaalladda Istanbul ee dalkaasi oo ay iska kaashadeen Qurbo-joogta iyo Machadka Yonis Emre ee Turkiga waxa uu socon doonaa ilaa bishan June 17-da oo ku beegan berrito.