Ra’isul-wasaaraha Turkiga, Binali Yildrim ayaa ku dhawaaqay inay qaadi doonaan tallaabooyin ay kaga aar goosanayaan Dowladdaa Holland oo shalay u diiday inuu dalkeeda soo galo Wasiirka Arrimaha Turkiga, halka ay Wasiirkii Arrimaha Qoyska soo cayriyeen.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ra’isul-wasaaraha Turkiga ayuu ku sheegay inayka aar goosan doonaan Dabeecadda Holland ee aan la aqbali doonin.
Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay inaysan Dowladda Holland aqoonin Siyaasadaha iyo Diplomaasiyadda Calaamiga, wuxuuna Dowladda Holland ugu yeeray Naasi iyo Fashiiste.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Holland, Mark Rutte ayaa maanta sheegay inay samayn doono wax kasta oo lagu qaboojinayo Xiisadda kala dhexeyso Turkiga.
Wuxuuna xusay inay Dhacdadii shalay ahayd mid aad u xun, isla markaana ay khibrad ka kororsadeen labadii shil ee shalay dhacay.
Ku-dhawaad 500,000 oo Muwaadiniin Turkish iyo carruurtooda ayaa ku nool dalka Holland, kuwaasi oo badankooda haysta Laba Dhalasho o oay awood ugu leeyihiin inay ka codeyn karaan Holland iyo Turkiga.
©Radio Dalsan