RW Ku-xigeenka Turkiga, Mehmet Simsek ayaa sheegay inay Dowladda Somalia ugu deeqeen ku-dhawaad Hal Billion oo Dollar tan iyo sannadkii 2011-kii, taasi oo uu xusay inay qeyb ka tahay Istaraatijiyadda Turkiga ee Somalia.
Waxa uu hadalkaasi sheegay kadib, markii uu dhamaaday Shirka Wasiiradda Maaliyadda iyo Guddoomiyayaasha Bangiyadda Dhexe ee 20-ka Dowladood ee Horumaray ee Kooxda G20 ugu dhamaaday magaalladda Baden-Baden ee dalka Jarmalka.
Waxa u uxusay inay Dowladda Somalia bil kasta siiyaan Malaayiin Dollar oo loogu talagalay Adeegyadda Dowladda, Ammaanka iyo Horumarinta.
RW Ku-xigeenka Turkiga, Mehmet Simsek waxa uu tilmaamay mid ka mid ah Ajendayaasha G Dowladaha G20 inuu yahay sidii loo xoojin laahaa Wada-xaajoodka lala leeyahay dalalka Afrika, wuxuuna hoosta ka xariiqay in 100-ka sanno ee soo socda noqon doona Sannadihii Afrika.
Waxa kale oo soo hadal-qaaday dadaalka Dowladiisa ku bixinayso Qaaradda Afrika, isagoo xusay inay leeyihiin Istaraatijiyad, isla markaana ay kordhiyeen Safaaradaha ay ku leeyihiin Qaaradda Afrika, oo haatan gaaraysa 39 Safaaradood.
©Radio Dalsan