Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay in isbuuc kasta 20 qof ilaa 50-qof lagu daldalo Xabsiga Milliteriga ee Sednaya oo ku yaalla Waqooyiga caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.
Warbixin ay soo Hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu Kacdoonka Dagaalka ka bilowday dalka Syria sannadkii 101-kii in Xabsigaasi lagu daldalay Maxaabiis tiradooda u dhexeysay 5,000 ilaa 10,000 oo qof.
Hay’addu waxay wareysatay 84 Markhaati oo ay ku jiraan Saraakiil, Ilaalo hore, Qareeno iyo Garsoorayaal, kuwaasi oo xaqiijiyey inay dilalkaasi dhaceen.
Hay’addu waxay ugu baaqday in QM baaritaan lagu sameeyo Dilalkaasi, iyadoo Maxaabiista la daldalo lagu aasay Qabuuro-wadareedyo ku yaalla duleeda magaalladda Dimishiq.
©Radio Dalsan