Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Al-dirdiri Maxamed Axmed waxa uu ku dhawaaqay inay toddobaadkan marti gelin doonaan Wareeg kale oo Wada-xaajoodka Nabadda ee dalka Afrikadda Dhexe (Central Africa Republic), kaasi oo ka furmi doona caasimadda Sudan ee Khartoum.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Ergooyin ka kala socda Dowladda Afrikadda dhexe iyo 14 kooxood oo mucaarad ku ah Dowladda dalkaasi.
Shirweynahaasi ayaa la filayaa inuu furmo bishan Janaayo 24-da, sida uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Khartoum.
Kulankaasi oo uu Ururka Midowga Afrika soo qabanqaabiyey ayaa la sheegay in looga hadli doono qoddobo ay ka mid yihiin: Is-cafin Guud, Awood-qeybsiga Kooxaha Siyaasadda iyo Dhaqan-celinta iyo Heshiisiinta Dagalaamayaasha Kooxaha ka dagaalama dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Al-dirdiri Maxamed Axmed waxa kale oo uu sheegay in Xaqiijinta Ammanaka iyo Deganaanshaha dalka Afrikada Dhexe uu muhiim u yahay dalka Sudan.
Si kastaba ha ahaatee, Kulanka ay Dowladda Afrikada Dhexe iyo Kooxaha Mucaaradka uga furmi doona magaalladda Khartoum ayaa ah Shirweynihii 2-aad ee ay Dowladda Sudan marti-geliso.
Bishii Augsut ee sannadkii hore ee 2018-kii, Dowladda Sudan waxay marti-gelisay Kulan u dhexeeyey Kooxaha hubeysan ee SELEKA iyo BALAKA ee ku dagaalamayo gudaha dalka Afrikada Dhexe
Tan iyo sanadkii 2013-kii, waxaa dalkaasi ka socday Dagaal Diimeed iyo mid Qabaa’il, iyadoo dagaalka xooggan uu dhex maray Dagaalamayaasha Muslimiinta Hubeysan ee SELEKA iyo Maleeshiyadad Kirishtaanka ee BALAKA.