Dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay horjooge ka tirsan Alshabaab, kadib howgal ciidamada millatariga dowladda iyo ku kuwa Mareykanka ay ka sameeyey gobolka Shabeellaha Hoose.
War qoraal ah oo maanta ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in lagu dilay hogaamiyhii Shabeellaha hoose ee Alshabaab Macalin Cismaan Cabdi Baadil, oo wakiil uga ahaa Shabaab sida warka lagu sheegay gobolkaasi.
“Dilka horjoogahan waxaa ay muujineysaa sida loo wiiqay awoodii kooxda ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.
Howlgalka aya dhacay habeenkii jimcaha aynu soo dhaafnay, iyadoo ay ka qeyb qaateen ciidamada Maraykanka oo ay wasaarada gaashaandhigga dalkaasi ay sheegtay in looga dilay hal askari.