Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka mar kale ciidankii ugu badnaa ka dejisay deegaanka Raaskaambooni, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamo iyo agab milateri oo aad u badan ay dowladdu halkaas geysay. Ciidamada saaka la geeyay Raaskaambooni ayaa ku biiraya ciidamo horay ugu sugnaa halkaasi, taas oo sii xoojineysa joogitaanka ciidamada dowladda ee deegaanka.
Deegaanka Raaskaambooni ayaa dhawaanahan noqday goob xiisaduhu ka sii kordhaya, iyadoo ciidamadii ugu badnaa ee maamulka Jubbaland ka tirsan ay maalmihii lasoo dhaafay iskood isugu soo dhiibeen dowladda federaaalka. Is-dhiibka ciidamadan ayaa kor u qaaday khilaafka u dhexeeya Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulka Jubbaland, iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo keentay in xaaladda siyaasadeed ee gobolka ay noqoto mid aad u kacsan.
Xiisadda ka jirta Raaskaambooni iyo guud ahaan Jubbaland ayaa hadda cirka isku sii shareeraysa, iyadoo labada dhinac ay wajahayaan xaalad adag oo mar kasta laga yaabo in dagaal dhex maro.