Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhameystirtay dhismaha iyo qalabeynta xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,waxaana la filayaa in maanta  ay si rasmi ah u furto xaruntan.
Hay’adda maamulka Hawada Soomaaliya ayaa ka shaqo geli doonta Muqdisho 27 Sano kadib markii intii uu socday dagaalka sokeeye laga maamulaayay dalka Kenya islamarkaana ay gacanta ku haysay Hay’adda maamusha Hawada ee Qaramada midoobey ee ICAO.
Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa horay u sheegay in inta uusan dhamaan 2017 dowladda Soomaaliya ay la wareegeyso maamulka Hawadeeda islamarkaana laga maamuli doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.
Muran badan ayaa ka taagnaa maamulka Hawada Soomaaliya iyada oo ICAO ay dhowr jeer dib u dhigtay wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in shaqaalaha Hay’adda ee Nairobi ku shaqeeya ay u soo wareegaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.