Shirkadda Al-Beyrak oo laga leeyahay dalka turkiga ayaa maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay Qalab loogu talo galay in looga Shaqeeyo Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Qalabkaan ayaa ah nooca rarida iyo dejinta Dekadda iyo sidoo kale qalab kala ah Agabka lagu qaado Xamuulka Cagaf cagafyo iyo Wiishash,waxaana Madaxda Shirkadda Al-Beyrak kala wareegtay Wasiirka  Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys jaamac.
Intaas kadib Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys oo Warbaahinta Goobta kula hadashay  ayaa sheegtay in qalabkaan uu yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahnaa in marhore la keeno,waxayna sheegtay in weli qalab kale oo aad u farabadan uu maqan yahay.
Axmed Saami oo ah masuulka shirkadda Albayrak ee Dekada ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in hadii aan nahay Shirkadda Al-Beyrak in aan kaalinteena qaadan doono islamarkaana qalabkaan uu wax badan u tari doono Dekadda.
Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas raaciyay in Shirkadda Al-Beyrak aysan halkaan ku ekeyn doonin howsheeda balse ay siiwadi doonto horumarinta Dekadda,dhawaana aan bilaabi doonto Cara-tuur ay ka sameynayaan Gudaha Dekadda.
Â