Waxaa diyaar garow aad u weyn uu ka socda Magaalada Muqdisho oo ku aadan in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo fatahaadaha dalka ka dhacay gaar ahaan Magaalada Baladweyne, Berdaale iyo Baardheere.
Dowladda Soomaaliya waxay qorshaysay Maanta in 8 diyaaradood oo gargaar ah ay gaarsiiso dadkii ku barakacay fatahaadaha, maanta waxaa la qorsheeyey in diyaarado dhowr ah oo gargaarsida gaaraan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, hayeeshee hakad ku yimid Cimilada oo xun awgeed oo roobab halkaasi ilaa xalay ka dayey.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa waxay qorshaysay in ay diyaarado gargaar sida maanta gaaraan Magaalooyinka Berdaale iyo Baardheere oo fatahaaduhu saameeyeen.