Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowaladda Masar iyo shacabkeeda uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka ee shalay ka dhacay gobalka al-Qalyuubiya ee waqoogiya dalkaas.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la qeybsaneyso murugada dowladda Masar sidoo kalena ay garab taagan tahay walaalaha Masaarida.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa Alle uga bariday inuu u naxariisto dadkii ku geeriyooday shilkaas ka dhacay Waqooyiga Magaalada Cairo, halka dadka kale ee dhaawacmay u rajeysay inuu Alle Caafimaad deg deg ah siiyo.
“Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay u garab taagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta masiibadan weyn, iyadoo u rajeynaysa dadka geeriyooday inuu Allah u naxariisto, kuwa dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ugu deeqo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda, qaraabadooda iyo inta jecel†ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.
Si kastaba Shilkii tareenka ee shalay ka dhacay gobalka al-Qalyuubiya ee waqoogiya dalka Masar ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.