Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa ka hadlay faragelin ay dalal deris la ah dalka ay ku wadaan Siyaasadda Arrimaha Soomaaliya.
Safiir Abuukar ayaa waxaa uu sheegay in dalal kamid ah howlgalka Ciidanka Midowaga Afrika ee AMIOSM ay faragelin siyaasadeed ku wadaan Arrimaha Soomaaliya, isla markaana waxaa uu xusay in arrintaas aan loo baahneyn.
Sidoo kale Safiirka oo Khudbad ka jeediyay shirkii Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ugu baaqay dalalka Caalamka gaar ahaan kuwa deriska la ah Soomaaliya inay joojiyaan faragelinta cad ay ku wadaan Arrimaha Soomaaliya.
 “Jilayaasha Caalamka gaar ahaan kuwa nala deriska ah ee arrimaha amaanka ku lugta leh waa in ay joojiyaan faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya†ayuu yiri Safiirka dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.
Ugu dambeyntii Safiirka ma shaacin dalalka faragelinta ku wada dalka Soomaaliya, isagoo ka dalbaday dalalka inay taageero siiyaan Dowladda Federaalka.
Si kastana Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore dowladda Kenya waxa ay ku eedeeysay inay faragelin cad ku wado Arrimaha dalka, iyadoona dowladda sheegtay in arrintaas aysan u wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya labada dal.