Dowladda Soomaaliya, ayaa golaha ammaanka ee Q.M. u gudbiyay ashtako ka dhan ah Imaaraadka Carabta.
Waxay dowladda ku eedeysay dowladda Imaaraadka oo saldhig ciidan ka sameyneysa magaalada Berbera mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo shuruucda caalamiga ah.
Waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay golaha ammaanka ah ee Q.M. in uu qaado tallaabooyin wax looga qabanayo xad-gudub ay ku sheegtay inay Imaaradka Carabta ku sameeyeen shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida Soomaaliya iyo cuna-qabateyntii hubka ee saarnedy Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Warqada loo gudbiyey Golaha Ammaanka.