Dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa heegan buuxa galisay, kooxaha ka shaqeeya gurmadka deg degga iyo talisyada ciidanka booliska, iyadoo cabsi laga qabo roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata inay ka da’aan dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay qiimeyn Dowladda ku sameeyay warar kasoo gaaray Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay sheegtay in tuulooyin badan oo hoos yimaada Degmada Balcad ay ku dhufteen daadad xoogan.
Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in roobab duufaano wata ay ku soo wajahan yihiin deegaano ka tirsan Soomaaliya, waxaana ay tilmaamtay in laga cabsi qabo in fatahaado kale ay dalka ka dhacaan.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda.