Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa War kasoo saartay soo xuista Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo dhawaan lagu dhawaaqay.
Qoraal kaso baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa loogu hambalyeeyay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka qeyb qaatay geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa u mahadceliyay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana Wasaaradda Qoraalkeeda ku sheegtay in Guddiga uu qabtay shaqo wanaagsan.
Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta  ayaa dhiirrigelinay Guddiga Doorashada ee Baarlamanka, iyagoona u rajeysay in ay dhameystiri doonaan inta ka dhiman hannaanka doorashada.
Hoos ka Akhrsio Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha.