Wasaarada Awqaafta iyo arimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay baaqashada Muxaadaradii la qorsheynaayay in uu qabto Shiikh Maxamed Cabdi Umal.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaraddu ay dhexdhexaad u tahay Culimada kala Argtiyada duwan ee Soomaaliyeed, isla markaana ay kulmiso Culimada qeybaheeda kala duwan.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in ayaan darro ay tahay in tashwiish lagu furo Muxaadardii uu qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal taasi oo lagu waday in la qabto Maalinta Berri ah, hayeeshee gabi ahaan lagu dhawaaqay in la baajiyay.
Hoos ka Akhriso Warka dowladda kasoo baxay.