Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillo ka socday Saraakiisha Ciidanka Millatariga Turkiga ee ku sugan Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay xoojinta xiriirka dhinaca Ciidamada ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo dardar-gelin lahaa dib-u-habeynta socota iyo dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf ayaa Turkiga uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan dib-u-habeynta Ciidamada dowladda iyo taageerada tababaro oo ay siiyaan Ciidanka.
Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya siweyn uga taageerta tababarada Ciidamada, waxaana sanadkaan gudihiisa 2021 dalkaas lagu soo tababaray boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor, halka kuwo kalena loogu qaaday tababar.