Duhurnimadii Maanta ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay agagaarka Sarta seybiyaano ku dileyn rag hubeysan oo watey gaari nooca raaxadaha ah, ka dib markii ay labada dhinac israsaaseyn dhexmartay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Warka soo saartay waxa ay ahaayeen raggaas maanta la dilay oo ay la socotay haweeney,waxaana lagu eedeeyey in ay ahaayeen dadkii ka dambeeyey Ganacsade dhawaan Muqdisho lagu dilay.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya  Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ciidammada Amniga ay dileen Raggii ka dambeeyey dilkii Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Aas’aasihii Shirkadda Startup Grind,isla markaana ay gacanta ku dhigeyn Gaarigii iyo Hubkii dilkaas lagu geystay.