Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in xiriir walaalnimo iyo mid wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga.
Waxaa uu sheegay Wasiir Cabdirashdiid in aan weli la gaarin xilligii la billaabi lahaa howgallada batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro oo ku aadan batroolka.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda ayaa waxaa uu xaqiijiyay in hawlgallada bartoolka ay ku billaaban doonaan si daahfurnaan ah xilligeedana la sugayo.
Hadalkaan dowladda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in Soomaaliya ay Turkiga ku casuumtay inay shidaal ka sahmiso bada dalka, isla markaana Turkiga uu qaadi doono tallaabooyin waafaqsan Casuumadda.