Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhibaatooyinka lo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika,kuwaasi oo la kulma,dil,dhac iyo weeraro joogta ah.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa boob xooggan lagu hayay goobaha ganacsiyada ee dadka Soomaalida ah ay ku leeyihiin dalka Koonfur Africa taas oo dhibaato ay ka soo gaartay Soomaali fara badan oo in mudda ah ganacsiyo ku lahaa dalkaas.
Boobkaan waxaa ka horeeyay dilal joogta ah oo lagula kacayay dhalinyarada Soomaaliyeed eek u ganacsata dalkaas oo ay aaminsanyihiin muwaadiniinta K/Africa in ay Somalidu qabanayaan shaqooyinkoodii.
Madaxweynaha Koonfur Africa ayaa isaguna si kulul uga hadl rabshadaha ka soo cusboonaaday dalkaas isaga oo ku baaqay in xaaladda la dejiyo.
Halkan ka akhriso Qoraalka Dowladda Somalia