Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadda DP-world ee Imaaraadka ay khatar gelisay dhulka Soomaaliya, isla markaana la joogo xilligii laga difaaci lahaa dalka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Telefishinka Al-Carabiy ayaa sheegay in shirkadda DP-world ay khatar gelisay dhulka Soomaaliya, ayna weli joojin faragelinteedii arrimaha gudaha.
Sidoo Wasiir Cawad ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay dul-qaadatay faragelinta shirkadda DP-world, hayeeshee intaas ka badan dowladda aysan u dul qaadan doonin, isla markaana la iska difaaci doono.
“Shirkadda DP-world way na xumaysay, waxayna khatar gelisay midnimada dalkeenna, welina ma joojin faragelinteedii, waan sabirnay, sabirkuna xad ayuu leeyahay, waxaan diryaar u nahay in aan ka difaacno dalkeenna, si lamid ah cidkasta” ayuu yiri Wasiir Cawad.
Ugu dambeybtii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ugu baaqay in shirkaddaasi joojiso faragelinta si dib uu ugu soo laabto xiriirkii ka dhexeeyay labada dal.
Shirkadda DP-world ee Imaaraadka Carabta ayaa heshiisyo gaaraya 30 sanno kula wareegtay dekedaha Magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera, waxaana labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ay horey uga mamnuuceen dalka.