Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gudo jirto u diyaar garoowga ku aadan sidii looga hortegi lahaa soo laba kacleynta xanuunka COVID-19 iyo cabsida laga qabo xaladaha ka dhalan kara.
Hay’adda Save the children oo kamida bahwadaagta Caafimaadka ee Wasaaradda ayaa Isbitaalka De Martino gudoonsiisay daawo iyo agab muhiim u ah la tacaalidda Caabuqa halista ah COVID-19.
Hay’ada USAID oo deeqda ku wareejisay Wasaaaradda Caafimaadka horey marsiisay Save the children, waxaana deeqdaas ay tahay mid loogu tala-galay ka hortega Cudurka oo dalalka Caalamka qaarkood kusoo laba kacleeyay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa u mahadcelinay Hay’adaha USAID iyo Save the children sida wanaagsan ee ay u garab taaganyigiin Wasaarada Caafimaadka xilliga adag ee gurmadka COVID-19.
Dalal farabadan oo ku yaalla Caalamka ayaa waxaa mar kale kusoo laba kacleeyay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana markii horey u geeriyooday kumanaan qof, halka kumanaan kalena ay weli haayo Cudurka.