Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto abaabulka Milateri oo dowladda Kenya maalmaahan ka waddo xuduudka labada dal gaar ahaan dhnaca Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barri.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay ogaatay in Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad-gureysay Mgaalada Mandheera, si duullaan loogu soo qaado Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Dowladda ayaa Kenya uga digtay ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxaana dowladda ay sheegtay in mar kale ay Kenya uga digayaan faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.
Ugu dambeyn Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu caddeeyay in dowladda Federaalka ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso Madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta shacabka Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.