Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa Kulan muhiim ah maanta la yeeshay Madaxda Hey’adda Cunada adduunka ee (WFP).
Kulankan oo looga hadlay xoojinta wada shaqeynta wasaaradda iyo hey’adda Cunadda adduunka ee (WFP), ayaa isla markaana waxaa lagu dar dar galinaayey shaqooyinka ay hey’addu ka waddo dalka.
Agaasimaha Hay’adda Cunada Adduunka ee Soomaaliya Mr Cesar Arroyo, ayaa bogaadiyay shaqooyinka Wasaarada Qorsheynta iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeyso.
Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in howlaha ay dalka ka waddo hey’adda (WFP) sii dar-dar-galiso si adeegyadda dalka ay ka hayso u noqdan kuwa anfac Ummadda.
Kulankan ayaa ku soo idlaaday waji wanaagsan iyadoo la isla gartay sidii wada shaqeynta iyo howlaha muhiimada leh ay xoogga u saari lahayd Hay’ada barnaamijyadda cunada aduunka ee (WFP).