Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse ayaa qadka Telfoonka wada hadal kula yeeshay dhigiisa dalka Serbia Nikola SelakoviΓβ‘ oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Wasiir Cabdi Saciid Muuse ayaa dhigiisa kala hadlay arrimo ay ugu muhimsan yihiin sidii loo caawin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee isaga cararay dagaalka ka socda dalka Ukraine isla markaana qaarkood ay gaareen xuduuda dalka Serbia, arrimaha dhaqaalaha iyo Ganacsiga, xiriirka labada dal, dhaqaalaha iyo ganacsiga, sido kale xaaladda dalka Ukraine iyo waliba Covid-19.
Nikola SelakoviΓβ‘ wasiirka arrimaha debadda dalka Serbia ayaa balanqaaday in uu kaalin weyn ka geysan doono sidii loo caawin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee isaga soo cararaya dalka Ukraine.