Hay’ad Gargaar oo laga leeyahay dalka Sacuudiga oo lagu Magacaabo King Salmaan Cent for Relive Umanterial ayaa Shaaca ka qaaday In ay bilaabeyso qorsho dib loogu soo celinayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yaman sida ay qortay Wakaalada Wararka ee dalka Sacuudiga.
Hayaddu waxa ay tilmaantay in la diiwaangelinayo dhamaan Soomaalida Qaxootiga ah oo tiradooda ay gaareyso ilaa Boqol Ruux oo ku sugan Gudaha dalkaasi Yaman iyo kuwo kale oo badan oo ku jira Xeryaha Qaxootiga dalkaas laguna taageeri doono in ay dalkooda ku soo laabtaan.
Hay’adda ayaa hadalkeeda intaas ku dartay in qorshahaas ay kala kaashan doonto Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee IOM.
Saalax Al-Zubeyni oo ah Agaasimaha Hay’addan waxa uu tilmaamay in qorshahoodu uu yahay tirade dad u dhaxeysa 1,75  qof ilaa inta u dhaxeysa  2,500 in ay ku soo celiyn Gudaha Dalka Soomaaliya.
Dalka Yaman oo ay dagaalo ka socdaan ayaa waxaa ku sugan Qaxooti farabadan oo Soomaliyeed kuwaas oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka dhacay.