Ra’iisul Wasaaraha Xukumamadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyey kulan ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yusuf Ahmed , madaxda laamaha Cadaaladda , Garsoorka iyo Booliska, waxaana looga dooday Hirgalinta Hanaanka ku dhisan cadaaladda iyo dar-dar galinta fulinta go’aanadda maxkmadda oo ay u xilsaaran yihiin ciidanka Booliska, si loo xoojiiyo kalsoonida Bulshada ay ku qabto Garsoorka.
Kulankaan oo ka qabsomay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dhamaan xubnihii ka qayb galay waxey isku raaceen in ay muhiim tahay in wax laga badalo qaabka hada ay u shaqeeyaan Garsoorka iyo Booliska oo ah fuliyeyaasha Goâ€aanadda.
Ra’iisul Wasaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya oo la hadlay madaxda hay’adaha Garsoorka, Caadaladda iyo Booliska ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto musuq maasuqa iyo maamul xumadda, si taa loogu guuleystana ay laf dhabar u yihiin helista garsoor hufan iyo ciidan u diyaarsan fulinta goâ€aanada.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashir Cabdi Maxamed oo warbaahinta Qaranka la hadlay sheegay in ahmiyad weyn uu lahaa kulanka ay la qaateen Raâ€iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Shirkaan uu Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya uu la qaatay madaxda hay’addaha Garsoorka, Cadaaladda iyo Saraakiisha ciidmada ayaa qayb ka ah qorshaha dar-dar galinta  horumarinta Cadaaladda iyo Garsoorka.