Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay wararka la xariira Muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya Airline oo saakay soo gaaray Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Muwaadinka Soomaaliyeed oo marka hore uu kasoo duulay dalka Shiinaha  uuna soo maray Itoobiya, isagoona markii dambe kasoo degay Garoonka diyaaradaha   Aadan Cadde.
Sidoo kale qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Muwaadinka la qabtay loona gudbiyay qeybta hakinta muwaadiniinta looga shakiyo inay qabaan Cudurka Coronavirus, isla markaana ilaa iyo hada lagu haayo qeybta hubinta.
Waxaa kaloo Wasaaradda ay sheegtay in diyaaradda Jebisay amar horey u bixisay dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana talaabo laga qaadi doono.
Hoos ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.