Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay heshiiska ay gaareen beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq ee Bariga Gobolka Mudug.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guul ay kusoo dhamaatay gogoshii nabadeed ee la dhex dhigay maleeshiyaadkii colaada dhexmartay, isagoona labada dhinac u mahadceliyay.
War qoraal oo bartiisa Facebook kusoo qoray Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayuu uga hadlay arrimahaas, waxaana uu u qornaa sidan:
Guul iyo farxad ayeey ku soo dhamaatay gogoshii nabadeed ee Afbarwaaqo, halkaas oo lagu qabtay kulankii labaad ee xabadjoojinta iyo heshiiska.
Mahad Alle SWT ayaa leh, ka dibna waxaan uga mahadnaqeynaa reer Afbarwaaqo oo dhigay gogosha nabadeed iyo reer Towfiiq oo si kalsooni leh u soo ajiibay. Taliska Ciidanka Qalabka Sida, Xasilinta iyo inta Eebbe waafajiyey inay gacan ka geysato waxaan leeyahay Ilaahey ha idinka abaalmariyo.
DFS, beesha caalamka iyo maamulada ay khuseyso waxaan ka codsaneynaa in la iska kaashado sidii adeegyo bulsho iyo gurmad rasmi ah loo fidiyo shacabka ammaan la’aantu daashatay. Qeybaha bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay soo dhoweeyaan heshiiska taariikhiga ah ee lagu gaaray Afbarwaaqo.