Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgalo ay iska kaashadeen Ciidamada Xoogga dalka iyo Howlgalka Ciidanka Mareekanka ee Afrika lagu dilay Saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab.
Howlgaladaan oo laba qeybood ahaa kan koowaad waxaa maalintii sabtida aheyd laga fuliyay deegaanka Cali Barroow waxaana lagu dilay laba Sarkaal oo ka tirsan AlShabaab.
War lagu qoray Wakaaladda Wararka SONNA ayaa lagu sheegay in Howlgal shalay ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow lagu dilay Sarkaal kale oo kamid ahaa Al-shabaab.
Ma jirin wax qasaara ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliya deegaanada ay ka sugan yihiin Gobolada dalka, waxaana ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.