Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kusoo qabtay xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka NISA fulisay lagu qabtay xubno Shabakad ah oo ka tirsan Al-shabaab iyo hubkii ay wateen, sidoo kalena gacanta lagu dhigay Mooto Bajaaj ay wateen.
SONNA oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan NISA ayaa intaas kusii dartay in xubnaha la qabtay inay qorsheysanayeen inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho, faah faahin intaas ka badan lagama bixin howlgalka laga fuliyay Muqdisho.
“Ciidamada ammaanka ayaa howlgalkaan sameeyay ka dib markii ay heleen xogo dhamaystiran, waxaana wali jira xubno Al-shabaab ay oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka†ayaa lagu yiri Qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda.
Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo dhawaan Magaalada caasimadda ah Muqdisho ka dhaceen dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday Bambooyin oo lagu qaaday Saldhigyo Ciidanka Booliska dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho.