Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda xilgaarsiinta Nuuriyo Aadan Ciise ayaa daah furtay buugagta farta Bareelka ee Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe oo ay wax ku bartaan dadka araga la’a ee loo yaqaan bareelka (braille).
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada oo ka hadashay Munaasabadda daah furka ayaa sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada ay ka go’an tahay in ay xaqijiso Waxbarasho loo dhan yahay, taasi oo micnaheedu tahay in canug kasta oo Soomaaliyeed uu helo Waxbarasho marxalad kasta oo uu ku sugan yahay.
Bugagtaan maanta la daah furay ayaa waxa ay ka kooban yahiin Fasalka 1-aad illaa Fasalka 8-aad ee Dugsiga Hoose iyo Dhexe looguna tala galay in ay daboolaan baahida 651 arday oo araga naaafa ka, waxaana tiradoodu dhan tahay 8618 buug, sidoo kale waxaa madasha lagu soo bandhigay qalab loogu tala galay caruurta qabta baahiyaha gaarka ah.
Munaasabada lagu soo bandhigayay buugagta farta bareelka Waxaa ka soo qayb galay agaasimayaasha, waaxda hormarinta adeegyada waxbarashada, waaxda hormarinta manaahijta, waaxda qorsheynta iyo agaasimaha waaxda waxbarashada dadban (Tvet & NFE), Munaasabada waxaa dhanka fogaan araga uga qayb galay hay’adaha taageero Waxbarashada.