Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in lasoo gaarsiiyay Dacwad eedeyn ah oo la xiriirta Kiis kufsi oo loo geystay laba gabdhood, kaasi oo ka dhacay deegaanka Janaale.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu Cambaareeyay falkaas foosha xun ee loo geystay laba gabdhood oo ku sugan deegaanka Janaale ee ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa Shacabka Soomaaliyeed loogu wargeliyay in cidii ay ku cadaato eedeynta Kiisas Kufsiga la marsiin doono ciqaata uu mudan yahay.
Dacwada Kiiska kufsiga ah ee loo gudbiyay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga lagu eedeeyay kufsi ka dhacay deegaanka Janaale.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.