Dowladda Federaalka Soomaaliya Goordhow War cad kasoo saartay kiiska loo heysto Weriye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo dhawaan ay xireen Ciidamo ka tirsaan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Wwriye Abuuja uu ku eedeeysan yahay inuu ka tirsan yahay dagaalamayaasha Al-shabaab.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in loo heysto Weriye Abuuja inuu ka qeyb qaatay Dil loo geystay Marxuumad lagu magacaabi jiray Baxsan Booleey oo ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
“Hay’addaha amniga ayaa eedeeysanaha gal dacwadeed-kiisa u gudbinaya Hay’addaha Garsoonka ee ku shaqada leh†ayaa lagu yiri Qortaalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somalia.