Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iska caabbiyay weerar Al-shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo hoostag Aw-dheegle,iyadoo weerarkaas uu ka dhashay Khassaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga Dalka ayaa warqaabinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka dowladda ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab,kaasi oo sheegeen inay ku qaadeen Saldhig Ciidanka ay ku lahaayeen Ceel Saliini.
Deegaanka Ceel Saliini ayaa waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,iyagoo halkaasi ka wada howlgalo ka dhan ah dagaalamayaashkii weerarka soo qaaday,islamarkaana ku raad jooga goobihii ay weerarkaasi ka soo abaabuleen.
Al-shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini ee duleeda Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay weerarka ay ku dishay Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda,isla markaana ay wareegeen gacanta ku heynta deegaanka,hayeeshee dowladda ayaa sheegtay inay gacanta heyso deegaankaas.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looga Khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel Saliini,waxaana guullo ka kala sheegtay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo Al-sabaab.